Barfasoor Maxamed Xaaji Ingiriis oo wareysi siiyey barnaamijka Hanoolaato ee uu xariiriyaha ka yahay wariyaha rug cadaaga ah Ayaanle Xuseen Cabdi ayaa Soomaalida ku tilmaamay dad umul oo kale ah kuwaasi oo dambiyada markii ay dhacaan iska ilowa horayna uga socda.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Maxamed Xaaji Ingiriis oo ka mid ah aqoonyahanada ayaa ku eedeeyey madaxda dowladda Soomaaliya tan hadda joogta iyo tii ka horeysayba in ay guul wadeyn darteed u difaacaan eedeysanyaal galay dambiyo waaweyn oo ka dhan ah xaquuqda aadanaha.
Waxa uu tusaale u soo qaatay xadgudubyadii Saadaq Joon uu ku kacay iyo sidoo kale dilkii Ikraan Tahliil .
Ingiriis ayaa carrabka ku dhuftay in kiiska Ikraan Tahliil uu u baahan yahay baaris dhab ah isaga oo yiri “waqtigii ay cadaaladda heleysana ilama muuqata in ay hadda tahay”
Waxa uu intaasi ku daray “waxa ay cadaalad ku heli kartaa dowladda dambe ee timaada oo gudi u saarto oo baarta”.
Barafasoor Ingiriis waxa uu xusay in Ikraan oo kaliya aysan aheyn ee ay jiraan dad badan oo la laayey oo aan la ogeyn.
7 bilood ka badan ayaa laga joogaa markii Ikraan Tahliil la waayey, waxaana la rumeysan yahay in ay afduubteen saraakiil ka tirsan NISA isla markaana ay dileen.