Barlamaanka oo Ku heeysaya”Aaaa Waan daalee i daayoo i Damaqdee i daawada”(mooshinka farmaajo)

La Wadaag Asxaabtaada

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegayan in Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ay qaarkood ka wadaan magaalada mooshin ka dhan ah Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Mooshinka ayaa barlamaanka soomaaliya waxaa hor keenay rag ka tirsan barlamaanka oo ka gadooday hab maamulka farmaajo iyo sidoo kale dhiibistii qali dhagax kuwaa oo Magaalada Muqdisho ku abaabulaya tiro Xildhibaano ah. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in shirar gaar gaar ahi ay siyaasiyiinta iyo Xildhibaanaduba uga bilowdeen Magaalada Muqdisho.

Wararka waxay sheegayan in yoolku uu yahay mooshinkaasi in Guddoonka Golaha Shacabka loo gudbiyo maalinta Isniinta, oo Madaxweyne Farmaajo uu u socdaali doono dalkaasi Emirate-ka.

Mooshinkan oo ah mid In muddo ahba la filaayey , ayaa waxa uu barbar socdaa mooshin kale oo Magaalada Muqdisho lagu karkarinayo, kana dhan ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xildhibaanada taageersan Madaxweyne Farmaajo, ay yihiin kuwa diyaarinaya mooshinka la damacsan yahay in xilka looga tuuro Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Warar lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegaya in Jawaari uu qaban doono mooshinka ka dhan ah Maxamed C/laahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, haddii aanay Villa Somalia joojin cadaadiska ay ku hayso.

Jawaari, ayaa xilligan u arka in halis uu ku jiro xilkiisa, si uu u badbaadsadana uu Xildhibaanada wada mooshinka liddiga ku ah Farmaajo, kala shaqayn doono mooshinkaasi, oo qorshaha laga leeyahay uu yahay in kursiga looga tuuro Farmaajo.

Xildhibaanada ka shaqaynaya mooshinka ka dhanka ah Jawaari, ayaa iyagu qorsheynaya in ay mooshinkaasi u gudbiyaan Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, C/weli Sheekh Ibraahim Muudey, si uu ugu soo daro ajandaha Golaha Shacabka, looguna qaybiyo Xildhibaanada.

Si kastaba ha-ahaatee mooshinadan is barbar yaacaya, ayaa ku soo beegmaya, xilli 10-ka bisha soo socota ee December lagu wado Xildhibaanada Golaha Shacabka inay fasax galaan.

Waxaana uu muuqda xaalka in uu yahay

barlamaanka :waan daalee i daayoo i damaqdee i daawada

Shacaka: waxaa u daran nin daaloo dantiisuna ka durugtee

barlamaanka aaaa wan daalee i daayoo i damaqdee i daawada

shacaka: waxa u daran kan aad dooratoo ku diidee ha daaline

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada