Suldaan Wabar Oo ah hogaamiyaha Jabhadda “Axmed Gureey” ee Ka Dagaalanta Awdal Ayaa la hadlay saxaafadda Markii ugu horeysay.
Xaqiiqonews-Wararka Gudaha
Jabhaddan waxa ay muddo badan dagaal kula jirtay Somaliland, balse saxaafadda ayaa hadalkoodani ku tilmaamtay “Dib u soo rogaal celin”.
Sida uu qoray Website-ka Caasimadda Online jabhadda ayaa sheegtay in aysan jirin maamul la dhaho Somaliland kaasi oo ay u dhanyihiin beelaha Waqooyi daga, iyagoo Dowladda Somaliland ugu yeeray “Maamulka Sacad muuse”.

Si kastaba ha ahaatee beryihii u dambeeyey deegaanada Somaliland waxaa ku soo badanaayey Mucaaradka hubeysan ee ka soo horjeeda qaabka uu wax u wado Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Sidoo Kale Aqri Waa Kuma Abu-Ak47..Ninka Hargeysa Ka Qeylisiiyey?