Sokorra jirka waxa ay kor u kacdaa marka uu kordha heerka Gulugooska ee dhiigga ku jira.
XAQIIQO NEWS- CAAFIMAAD
Nasiib wanaag, in heerka sokorta ee jirka ay kor u kacdo waxaa lagu tiriyaa dhacdooyinka dabiiciga ah waxa dhib ahna uma geysato dadka aan macaanka qabin, hase ahaatee dadka cudurka macaanka qaba sokortooda oo badata waxa ay uga dhigan tahay halis weyn, madaama ay meesha ka maqan tahay maadada Insulin oo isku dheeli tirto sokorta jirka.
Sidoo kale Aqri: Bishaaro Farxad U Ah Dhammaan Dadka Sokorta Qaba
Qeybta hoose waxa aan idinku soo gudbineynaa calaamado muujinaya in sokorta jirka ay kor u kacday.
- Qofka oo dareema daal iyo tabar darri.
- Qofka oo kaadidiisa ay badato, dhowr marna musqusha u baahda
- Oon xad ka bax ah
- Gaajo oo qofka mar walbo qabato
- Mid ka mid ah labada indhood ama labaduba oo uusan wax fiican ku arki karin
- Ka bogsashada dhaawacyada oo waqti ku qaadato
- Cun cun iyo caabquyada uu sababo yiistiga(Yeast infections) oo qofka ku bata