Baro..Waqtiga Ugu Fiican Ee Tahay In Habeenkii La Seexdo

-

Marka laga hadlaayo “hurda habeenkii” waxaa jira su’aalo dad badan is weydiiyaan: waa xilligee waqtiga ugu fiican in la seexdo? maxaa muhiim ah in aan qabto hurdada ka hor?


XAQIIQO NEWS- CAAFIMAAD

7 ama 8 saacadood oo hurdo ah, waa talooyinka ay bixiyaan dhaqaatiir badan laakiin marka ay timaado saacadaha hurdada iyo waqtiga ay tahay in qofka seexdo ama soo kaco waa in aan xisaabta ku darsanaa “kala duwanaashaha da’da”.

Guud ahaan waa arin iska caadi ah in jirka shaqadiisa ay hoos u dhacdo mar walbo oo mugdiga habenkii sii bato, sidoo kale jirka ay kor u soo kaca marka qoraxda soo baxdo.

Daraasad lagu sameeyey 1,970 qof oo Jabaaniis ah, baarayaasha ayaa soo jeediyey in fiican tahay hurdada “xilliga hore ah”.

Daraasadda ayaa shaaca ka qaatay in dadka firaashka taga “waqtiga dambe” ay badan tahay in laga helo calaamadaha cudurada niyad jabka iyo walwalka.

Sidoo Kale Aqri: Waano Qaali Ah..Qaabkan U Hurud Xilliga Kuleylaha Ah

Dr Aymen Sakly oo u waramay wakaaladda wararka turkiga ee “Anadol” waxa uu soo jeediyey in saacadaha u dhaxeeya 20:30 ilaa 23:00 ay yihiin waqtiga ugu fiican ee hurdada, madaama xilligaasi ay tahay waqtiga ugu badan ee jirkeena uu soo daayo hoormoona melatonin, kaasi oo kor u qaada tayada hurdada.

Dhatqarka ayaa sidoo kale ku taliyey in qofka hurdada ka hor uu cadiyeysto, soona qubeysto, waana in qofka uusan cunin wax cunto, iyo cabitaanada jirka kiciya ee shaaha iyo qahwada fiidkii ka dib.

Qolka hurdada ayuu dhaqarka soo jeediyey in uu noqdo mid jawi fiican oo hurdada ku fiican, islamarkaana laga khafiiyey ama laga damiyey nalalka iftiinka badan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Guusha X S N M X M D

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya doorasha ka dhacday teendhada Afisyooni ee magaalada...

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...