BBC-da Oo Ku Dhaw In Albaabada Layskugu Dhufto!

-

Markasta oo aan maqalno BBC-da waxaa dhagaheena ku soo dhaca dawanka saacadda “Big ben” iyo codka xiga ee ah “halkani Waa London”, BBC-da oo beri lagu tirin jiray mid ka mid ah quwadaha boqortooyada, iminka xaalkeedu waa laga deyrinayaa.


Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

BBC-da oo la asaasay sanadkii 1922-kii, marna ka mid aheyd warbaahinada aduunka ugu af-dheer ayaa hadda wajaheysa cabsi dhab ah taasi oo halis gelineysa sii jiritaanka idaacaddan.

Weerarkii ugu dambeeyey ee bbc-da lagu qaaday waxaa sameeyey ra’iisal wasaare Boris Johnson, oo BBC-da u arka in ay tahay mid u janjeerta dhanka xisbiga bidix, weerarkani ayaana beegsanaya qeybta jilicsan ee hay’addan oo ah xagga qarashka.

BBC-da ayaa qarash ahaan ku tiirsan waxa loo yaqaan “leesinka dawaashada TV-ga” sharcigaasi oo ah in lacag laga qaado, guri walbo, istibtaal,iyo goob walbo oo laga daawado TV-ga BBC-da.

Ra’iisal wasaare Johnson ayaana doonaya in uu meesha ka saaro sharcigan isagoo u arka in uu yahay mid “cadaalad darro ah” , madaama idaacadaha iyo Tilifishinada kale aysan isticmaalin sharcigan.

Sidoo Kale Aqri..Halkan Sabab Darteed Ha Isku Dhageysan BBC-da

Marka la fiiriyo qadiyaddan BBC-du waxa ay uga dhigantahay “nolol iyo geeri” maxaa yeelay 75% qarashka BBC-da ama qiyaastii lacag dhan 3.6 Billion oo pound ayey ka heshaa sharciga “leesinka daawashada TV-ga” , halka 25% oo kaliya ay ka hesho waxqabadyada kale sida iibinta barnaamijyada, iyadoo la ogyahay in BBC-da aan loo ogoleyn in ay ka qeyb noqoto tartanka xayiisiimaha ganacsiga ee ay ku shaqeystaan TV-yada kale ee ganacsiga.

Dhanka kale dhalinyrada da’dooda u dhaxeysa 16-34 , ayaa iyagana u jeestay dhanka iyo internetka sida Google-ka,Yuutuubka, iyagoo bixinta Qarashada Leesinka BBC-da u arka mid caqli gal aan aheyn, iyagoo sheega in arintaasi ay dhaawaceyso dimuquraadiyadda suuqa warbaahinta ee furan.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...