BBC Somali Iyo Warbaahinta Galbeedka Sidey U Maran habaabiyaan Qadiyadda Falastiin?

-

Warbaahinta Galbeedka ee loogu yeero “pro Isra’iil” ayaa qeyb xoog leh ka ciyaaraya qiil u raadinta dhacdooyinka argagaxa leh ee ka socd Ghaza.


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Waxaan dalbanayaa in daqiiqad aamusnaan ah loo sameeyo dadka aaminsan in bbc-da (luuqad walboo ay ku hadasho) ay tahay warbaahin dhexdhexaad ah, Tusaale dhaw aan idinka tuso qaabka bbc iyo saaxibadooda galbeedka ay u wajaheen dhacdadan, waxaan ula jeedaa xiisadaha Falastiin ka aloosan, laga yaabee dadka wili raajicin u harsantahay in ay wax ku fahmaan.

Sidoo kale Aqri: BBC-da Oo Ku Dhaw In Albaabada Layskugu Dhufto

Qoraalkeyga ujeedkiisa ma ahan in aan bbc-da ka filaayey in ay garab istaagto “shacanka Falastiin” u jeedkeyga waxa uu daaran yahay in aan gar adag hor u dhigo dadka warbaahintan u heysta mid “dhexdhexaad ah”

Sumcad Xumeyn

Bbc- Soomaaliya ayaa qeyb weyn ka ah suurad xumeynta Falastiiniyiinta, waxa ayna ugu yeertaa eray bixino dhan u janjeera sida “mintidiinta” iyo maleeshiyaadka.

Warbaahinta Biritain ee ay hormuudka u tahay Bbc- da kuma koobna dagaalka, duulaanka xagga warbaahinta waxaa qeyb ka ah warbaahinta Mareykanka, tusaale waxaa kaga filan Fadeexadii Newyork post ka soo gaartay “been abuurkii” ay ku difaacayeen Israa’iil.

Duqeyn ay ku dhinteen 20 Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 9 caruur ah ayey Newyork post u qoreen sidan “20 Israa’iliyiin ah oo ay ku jiraan 9 caruur ayaa ku dhintay gantaal ay soo tuureen mintidiinta Xamaas”, inkastoo markii dambe ay qoraalka tirtireen.

Daraasad sanadkii 2019-ka ay sameysay shirkadda Kanadiyaanka ah ee 416Labsa, oo laga soo aruuriyey ku dhawaa 100, 000 ciwaan oo lagu daabacay warbaahinta ugu caansan Mareykanka, sida – Chicago Tribune, Los Angeles Times, New York Times, Washington Post, and Wall Street Journal

Daraasadda ayaa sheegtay in erayga “argigixiso” oo ay u adeegsadaan weerarada ay qaadaan falastiiniyiinta uu ka adeegsi badnaa seddex jibbar erayga “Gumeysi”.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...