Beesha Hawiye oo Si adag ugu hadashay go’anka dowlada ee khilafka hirshabelle

odiyaasha iyo waxgaradka beesha hawiye ayaa kulan ku yeeshay maanta magaalada muqdisho ayaa ka arinsada go’anka dowlada soomaaliya ee ka qaadatay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan magaalada jowhar ee u dhaxeeya madaxweynaha xilka laga qaaday iyo baarlamaanka hirshabelle odiyaasha ayaa ku dooday in xil ka qaadista cali cusuble ay tahay mid sharci daro ah sidoo kale waxa ay sheegeen in dowlada soomaaliya ay ku cadaadtay in ay gadaal ka riixaysay xilka ka qaadista madaxweyne cusuble madaamo uu ahaa madaxweynaha kali ah ee hogaamiyo maamul uu hawiye kali leeyahay waxa ayna sheegeen in dowlada soomaaliya ay ka soo horjeeda in deeganada beesha hawiye maamul ka hanaqaado waxa ayna sheegeen in cali cusuble lagula dagaalamay in uu doonayey in uu maamul goboleed yeesha gobalka benadir kaas oo ey sheegeen in dowlada hortaagantahay arinta xil ka qaadista cali cusuble ayaa cirka isku shareereysa maalinba malinta ka danbeysa iyada oo ay dowlada soomaaliya sheegtay in ay taageersantahay xil ka qaadista lagu sameyey cali cusuble

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA