Biden Waxaa Uu Ku Socdaa Tubtii Trump

La Wadaag Asxaabtaada

Todobaadkan gudahiisa Biden waxa uu saxiixay in cunuqabateyntii dhaqaale lagu sii kordhiyo Soomaaliya muddo sanad ah, sidoo kale Biden waxa uu diiday in daanta Galbeed lagu daro dhulka la gumeysto ee Falastiin, sida lagu cadeeyey qoraal Hay’adaha xaquuqul insaanka soo saareen talaadadii la soo dhaafay.


XAQIIQO NEWS- FIKRADAHA

Warbixintii aheyd “.Biden Ma Yahay Albaabkii Mareykanka Laga Gali Lahaa” waxaan ku dooday in Biden uusan waxbadan ka duwaneyn Trump, waxaana sheegay in farqi uu u dhaxeeyo Mareykanka iyo doorashooyinka Mareykanka.

Anigoo Ixitramaayo dhammaan dadka igaga fikir duwanaa orahdaas, waxa aan maanta soo hordhigayaa qaar ka mid ah go’anada uu Biden qaatay.

1-Arpil Mareykanka waxa uu muddo kordhin u sameeyey cunuqabateyntii dhaqaale ee Mareykanka uu ku soo rogay Soomaaliya Apil sanadkii 2010-ka.

Go’aanka Biden ayaa lagu saleeyey waxa loogu yeeray “danaha Mareykanka”, iyada oo Soomaaliya lagu eedeeyey in ay handadaad ku heyso aminga iyo siyaasadda dibadda ee Mareykanka.

Sidoo kale Aqri: Sida Ay Soomaalida U Arkaan Biden Ma Yahay Albaabkii Mareykanka Laga Gali Lahaa?

Sidoo kale Biden, waxaa uu diiday in daanda Galbeed loo aqoonsado “dhulka lagu gumeysto ee Falastiin” go’aankan ayaa ka dhigan muddo kordhin hor leh oo uu Biden u sameeyey aqoonsigii Trump uu aqoonsaday Qudus in ay tahay caasimadda Yahuudda.

Waan ku celinayaa siyaasiga Mareykanka ma ahan siyaasadda Mareykanka, siyaasadda Mareykanka waxa ay ka go’daa hay’adaha iyo ururada sida Koongareeska, Golaha odayaasha, iyo hayadaha lagu magacaabo loobinka (Lobbying organizations).

Waxa ay ila tahay in la joogo waqtigii qof walbo oo naga mid ah uu meel ku qoran lahaa oraahdan ” uma baahnin in aan wax ka badalno ama cid kale ay wax ka badasho siyaasadda Mareykanka, kaliya waxaa loo baahan yahay in aan siysaaddeena wax ka badalno”

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada