Bilyaneerka Ameerikaanka ah ee lagu magacaabo Bil Gates ayaa sheegay si looga gaashaanto “isbadalka cimilada ee sii kululaaneysa” in ay muhiim tahay qof walbo oo dunida ku nool in uu barto muhiimadda ay leedahay tirada 51 iyo eber.
XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBBADDA
Bugga uu qoray bilyaneerkan kaasi oo ciwaankiisu yahay “Si looga gaashaaman karo musiibo cimiladeed”, ayuu Gates ku sharxayaa waxa laga wado tirooyinka 50 iyo eber.
Buugga oo la filaayo in uu soo baxo 16 Feb, ayuu ku sheegay in tirada 51 ay ka dhigan tahay 51-ka tan ee gaaska sumeysan ee sanad walbo gala hawada-sida laga soo xigtay majaladda Forbes.
Waxa uu tilmaamay in tirada “eber” ay ka dhigan tahay yoolka dunida ay ku rajo weyn tahay in la gaaro sanadk 2050 (Net-zero by 2050)., si dunida uaga fogaato musiibo cimileed waa in la joojiyaa gaaska badan ee ku biira hawada meeraha aynu ku noolnahay ee dhulka.
Gates waxa uu aaminsan yahay in dunida ay u baahan tahay agabyo cusub oo lagula dagaalami karo isbadalka cimilada.
Aas aasaha Shirkadda Mircsoft Bil Gates, waxa uu carabka ku dhaftay in uu danbi dareemaayo madaama hantidiisa ay qeyb ka tahay waxyaabaha hawada geliyo Kaarboonta badan, sida guryihiisa waaweyn, diyaaradihiisa gaarka ah isaga oo tilmaamay in uu bilaabi doono farsamooyin uu ka maarmi doono isticmaalka Karboonka.