Bishaaro Farxad U Ah Dhammaan Dadka Sokorta Qaba

La Wadaag Asxaabtaada

Ilo wareedyo laga soo xigtay xarunta Sensorica, waxa ay tibaaxayaan in saynisyahano ruush ah ay nashqadeenayaan jijin ismaarti ah taasi oo cabiri karta sokorta qofka iyada oo aan loo baahanin wax jeexdin ah.


XAQIIQO NEWS- CAAFIMAAD

Ilo wareedyada waxa ay xaqiijinayaan in qalabkan uu cabiri karo sokorta qofka dhowr mar oo kala duwan waliba qaab heer sare ah.

Xogtan ayaa tilmaameysa in qalabkani dareemaha leh uu awood u leeyahay in uu ogaado heerka Gulukooska, ugu yaraan 12 jeer saacadii.

Sidoo kale Aqri: Waa Kanaa Cabitaanka Ugu Fiican Ee Looga Hortagi Karo Cudurka Sokorta

Isha xogta laga soo xigtay ayaa xuseysa in qalabkani uu fariimihii uu keydiyey uu u diri karo taleefoonada ismaartiga ah, halkaasi oo dhaqaatiirta siineysa fursad ay ku daaweyn karaan bukaanada kaliya iyaga oo macluumaadka ka aqrisanaya ablikeeshin gaar ah.

Marka loo diyaariyo qaab ganacsi ah, qalabkani ayuu qofka sida jijintii ugu xiran doonaa gacanta.

Nashqadda ugu horeysa ee qalabkan ayaa lagu soo bandhigi doonaa jaamacadda Sechenov Medical University, ee ku taalla Moscow isla sanadkan 2021.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada