Biyaha Adduunka Oo sii dhamaanaya iyo Saynisyahanada oo xalka Qur,aanka ka dhax helay#qur,anka iyo sayniska

La Wadaag Asxaabtaada

Muddo badan ayuu insaanka is weydiin jiray waa xagee isha rasmiga ah ee ay ka soo baxaan biyaha aadamiga isticmaalo laakin jawaabta su,aashan ayaa qaadatay muddo badan ilaala gaaro waqtigan casirga oo ay noo sheegayaan culimada sayniska in dagaalada dunida ugu badan ka dhici doonaan iyadoo waxa lagu dagaalaya ay biyo yihiin sababtoo ah ayey leeyihiin waxaa sii yaraanaya biyaha aduunka taas ka dhalaneyso sunta badan ee warshadaha.
Hadaba qormadni gaaban waxa aan kaga hadli doonaa sida qur,aanka kaga hadlay arimahan gaar aahaan isha rasmiga ah ee biyaha laga helo laakin marka hore bal aan fiirino culimada sayniska iyo wax ay arimahan ka yiraahdeen
Culimada sayniska ayaa aaminsan in biyaha dhulka laga keeno eysan aheen kuwa dhulka ka soo baxa balse ay yihiin biyhii hore ee roobka oo dhulka ku geedsamay bal iala eeg aayaddan qur,aaniga ah iyo sida ay arintaasi kaga hadsahay qarniya ka hor
قال تعالي(وارسلنا الرياح لواقح فانزلتا من السماء ماء فاسقيناكموه وما انتم له بخازنين)
Ilaah swc waxa uu yiri(waxan idiin soo dirnay dabeesha si ay wax u waqxiso”bacramiso” markaas ayaan samada ka soo dajinaa biyo oo aad ka waraab heshaan adinkana ma tihiin kuwa keedsada)
Waxan ka fahmeynaa aayadda in biyaha dhulka laga helo aysan dhulka iskaga jirin balse dhulka lagu geediyey biyhaas oo dib aan u isticmaaleyno waiba ilah sw waxa uu na tusinaaya in cidda keedisa aysan annaga aheyn oo ilaah uu isaga noo keediyo halkaas ka fahan in waxa ay sheegayaaana culimada sayniska ay yihiin wax mar horaba aan isa ogaanay .
Sida aan qeybta hore ku sheegnay culimada sayniska waxa ay ka cabsi qabaan in biya la,aanta dhulka baahdo sidaa darteed waxa ay raadinayaan meel mustaqblka biya laga heli karo biyo ,dhawaana waxa ay sheegeen in buuraha ay yihiin meelaha ugu danbeeya ee lag heli karo biyo la cabi karo waxa ayna ku doodayaan arinkaa in uu yahay iktishaaf cusub oo ay hadda soo ogaadeen .
Laakin bal fiiri qur,aanka oo arimahaas ka hadlay qarniyo badan ka hor
قال تعالي (وحعلنا فيها رواسي شامخات واسقيتاكم ماء فراتا)
Allah sw waxa uu yiri isagoo ka waramaya dhulka(waxaan ka yeelnay dhaxdeeda buuro dhaadheer kuwaas oo aan idinka siino biyomacaan)
Markale waxaad fahantay bey ila tahay aqriste in qur,aanka sheegay masdarka biyaha iyo in buuraha biyo laga helo sida culimada sayniskaba hadda u ogaadeen laakin su,aasha ayaa ah “ma dhici kartaa in qof noolaa xilikaas noolshaba bilowga iska aheed in uu ka hadlo waxyaabaha casriga culimada soo saaraan iska dhaafe iktishaaf walbo oo aay sameeyaan waxan helnaa aayad qur,aanka ka mid ah oo hortood sii cadeysay “ intaas ka dib shaki miyaa imaan karo oo aah in qur,aanku yahay wax nabi muxamed iska abuurtay oo ku dhisan aqoontii casrikaas jirtay ? maya ka dib maya sax ma ahan sida ay ku doodaan dadka noocaasi waxaa tusaale noogu filan sida ay isku waafaqeen arinta kasto oo cusub hadda iyo quur,aanka .
Waxan filayaa doodii abu jahal iyo saaxibadiisa gaalada iyo gaalada casrigan joogtaba in ay burbureyso mar walbo.
قال نعالي(<بل كذبو بما لم يحيطو به علما ولم ياتهم تاويله كذالك كذب الذين من قبلهم فانظر كيف كان عاقبة المكذبين*ومنهم من يومن به ومنهم من لايومن به وربك اعلم بالمفسدين) صدق الله العظيم
Ilaah sw wuxuu yiri(bal wax ay beeniyeen wax aysan aqoonba uleeheen oo micnhooda uusan wali u imaanba sidaas oo kale ayey kuwii horane u beeniyeen bal eeg wixii ay ku danbeeyeen dadka wax beeniya* waxaa ka mid ah”dadka” mid rumeynaya qur,aanka waxa ka mid mid aan rumeyneynin laakin muxamadow rabikaada ayaa oga dadka wax fasaadiya)

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada