Booqashadii Obama ee Itoobiya iyo booqashada farmaajo oo hal arin iskaga mid ka noqday

Booqashadii madaxweynahii hore ee mareekanka barack obama ee qaaradda afrika ayaa aheyd mid si weyn ay u soo dhaweeyeen wadaamada afrikaanka gaar ahaan kenya iyo itoobiya oo madaxweynuhu uu qorsheenaayey in uu labadaba booqasho ku tago.
arinta cajiibka ah ayaa aheyd in intii uu Obama ku guda jiray booqashadiisa ay ciidmada kenya iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanaya markii ugu horreysay ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada baardheere iyagoo arintaasina ku micneeyey in qabshada baardheere ay tahay hadiyad lagu soo dhaweeynaayo Obama.
hadaba booqashada farmaajo ee itoobiya ayaa kala mid ah tii Obama dhanka soo dhaweeynta waxaana Itoobiya ay saacado ka hor la wareegtay deegaanka halgan ee gobolka hiiraan ka hor booqshadiisa Itoobiya.
balse dhanka kale qabsashada itoobiya ee halgan ayaa loo argaa qorshe ay itoobiya ku dooneyso isku soo dhawaansho ay ka hesho dowladda soomaliya oo indhawaalaba ka caga jiideysay xariirka itoobiya.
balse wixii ka danbeeyey kulankii farmaajo iyo Itoobiya ee Baydhabo waxaa sara u kacay waxaa loogu yeeray wada-shaqeynta labada dowladood ee deriska ah balse dadka qaar ay u arkaan Itoobiya oo mar kale Ku guuleysatay In soomaaliya ay hoos timaado ka dib doorashadii 2017-ka oo la filaayey in dalka isbadal weyn gali doono.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA