Wiikani yar ee lix jirka ah ayaa galay rikoodhka “Guinness of Records”. arintaasi oo ka dhalatay hadiyad uu aabihiis siiyey.
XAQIIQO NEWS- TIKNOOLAJI
lix jirkan oo lagu magacaabo Arkham Talsania, ayaa loo aqoonsaday borogaraamiyaha ugu yar dunida oo dhan, ka dib markii uu meel saaray luuqadda borogaraamka ee Python .
Sidoo Kale Aqri: Waa Tan Sheekada Gabar 11 jir ah Oo Ka Caql badisa Einstein Iyo Stephen Hawking
Wararka ayaa tilmaamaya in wiilka uu ku baasay imtixaanka MicroSaft certification, oo uu ku galay xarunta Pearson VUE.
Arkham ayaa yiri “aabahey ayaa i baray waxaan isticmaali jiray Tablet markii aan 2 sano jir ahaa, markii seddex sano aan gaaray waxaa la ii soo iibiyey qalab ku shaqeynaya barnaamijyada Windows iyo iOS, gadaal waxaan ka ogaaday aabahey in uu u shaqeeyo Python”.
Aabaha dhalay Canuga ayaa sheegay in Arkham uu bilowgii hore jeclaa ciyaaraha(games) laakiin markii waxaa uu isku badaly in uu sameeyaba.