Bukaanada Ka Bogsaday Karoona Maxaa Loogu Arkaa Calaamadan

-Sarakiisha caafimaad ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in bugaanadii ka bogsaday covid-19, kuwaasi oo markale “positive” noqday sababtoodu in aysan aheyn cudurka oo ku soo laabtay, balse fayruskii dhintay ayaa wali jirkooda ku jira.


Xaqiiqonews-Caafimaad

292 oo cudurka ka bogsatay guud ahaan waddanka, markale ayaa cudurka lagu arkay, arinkaasi oo madax wareer ku noqday saraakiisha caafimaadka, sida ay shaacisay xarunta dhexe ee ka hortagga Karoona fayrus ee Kuuriyada koonfureed.

Laakiin, waxaa hadda la ogaaday in mushkiladuu ay tahay fayruska dhintay oo wali ku sii jira jirka qofka bogsaday-sida Xaqiiqonews ay ka soo tarjuntay Newsweek.

Sidoo Kale Aqri..Goormuu Karoona Ka Dhamaanaya Soomaaliya Iyo Dunida Oo Dhan?

“Fayruska isaga oo “wax maatare ah” ayuu wali ku sii jirya unugyada” ayuu yiri – Myoung-don oo ah madaxa guddiga xanuunada dag daga ah ee kuuriyada Koonfureed.

Saraakiisha Caafimaadku ma aysan sheegin hadii dadkan cudurka dib looga helay ay faafin karaan fayruska iyo in kale.

Riix Halkan..Si Aad U Aragto Wararka Muhiimka Ah ee Bogga Hore

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA