Buur Dahab Ayaa La Arkay.. Ka Dib Maxaa Helay Dadkii Tuulada?

-

Dadka tuulada ayaa sameeyey isku soo bax sida in qiyaamihii dhacay, ka dib markii la baahiyey in buur dahab ah laga arkay deegaanka.


XAQIIQO NEWS- MUUQAALO

Waxaa baraha bulshada lagu baahiyey muuqaal la sheegay in laga soo qaaday tuulo ka tirsan dalka Kongo, goobtaasi oo laga helay buur dahab ah sida tilmaameyso xogta muuqaalka la soo raaciyey.

Warbaahinta ilaa hadda ma aysan xusin goobta sida gaarka ah dhacdada ay kaga dhacday, sidoo kale lama xusin taariikhda muuqaalka la duubay, iyada oo warkani ciwaan looga dhigay “Buur dahab ah oo Kongo lagu arkay”.

Waxaa laga sheegaa in Jamhuuriyadda dimuqaraadiga ee Kongo ay ka mid tahay dalalka ugu hodansan marka ay timaado macdanta aadka qaaliga a u ah sida dahabka, hase ahaatee muwaadiniinta dalkaas ayaa ka mid ah kuwa ugu faqiirsan aduunka.

Xogaha ay qorayaan urarada caalamiga ah ayaa tilmaameysa in Kongo ay aad ugu sii badaneyso ka ganacsiga sharci darrada ah ee dahabka inkastoo la bixiyey dadaalo badan oo arintaasi looga hortagaayo.

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...