Buurmadow Muxuu Ula jeedaa “Hadii Somaliland Burbureyso”

-

Cismaan Aw Maxamed oo ku caan ah “Boqor Buurmadow” ayaa ka hadlay xaaladda kacsan ee Somaliland.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Buurmadow oo wareysi siiyey Tv-ga Bulsho ayaa ka hadlay khilaafka xooggan ee ka taagan maamulka Somaliland.

Boqor Buurmadow ayaa difaacay siyaasadda Xisbiga Kulmiye ee ka dhanka ah Waddani, isagoo si maldahan u sheegay in Somaliland lagu kala xoog badan yahay.

Buurmadow ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada in uu is-casilo gudoomiyiha Komishanka Cabdirashiid riyo raac, isagoo yiri “Hadii Somaliland Kala tageyso Cabdirashiid is casilimaayo”.

Dad carreysan oo fikirkooda ka dhiibtay hadalka buurmadow ayaa boqorka ku tilmaamay in uu yahay “naar afuuuf” iyagoo sheegay in laga gudbay waagii odayaasha hadalkooda la dhageysan jiray.

Beryahan Dambe waxaa kacsan xaaladda maamulka isku magacaabay “Jamhuuriyadda Somaliland” waxaana khilaafka ugu badan uu ka taagan yahay Guddiga doorashada.

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...