Caalim Masaari ah Oo Leh ..ma Jiro Caduubul Qabri !!

La Wadaag Asxaabtaada

Aqoonyahanka reer Masar ee caanka ah Axmed Cukaasha ayaa sheegay in ay jirto laba nooc oo geeri ah, geeri nolol ay ka dambeysa oo ah hurdada, iyo geeri aysan nolol ka dambeyn oo ah “dhimashada”


Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Axmed Cukaasha oo ah dhaqtar ka takhasusay caafimaadka nafta ayaa si qar iska xoornimo ah u inkiray arin culimo badan ay isku raaceen, waa mas’aladda “cadaabul qabriga”.

Inkastoo doodda Axmed Cukaasha uusan ku aheyn kali, oo ay jiraan culimo tiro yar oo fikirkiisa qabta, haddana hadalkiisan dambe ayuu kala kulmay dhaleeceyn fara badan.

Cukaash oo ka hadlaayey Cudurka Karoona iyo Cabsida ay dadka qabaan dhimashada ayaa lugta la galay dood aan tiisa aheyn isaga oo yiri “geerida waa labo nooc, nooc nolol ay ka dambeysa oo ah hurdada, iyo nooc ay nolol ka dmabeynin oo ah dhimashada” isagoo intaasi ku daray “ma jiro wax laga cabsado oo la dhaha cadaabul qabri”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada