Caana Booraha Hortiina Ka Muuqda Waxaa uu Sababay Cudurka Silmonela Infection

-

Emmanuel Bissnier oo madax ka ah shirkadda “Lactalis’ ayaa xaqiijiyey in 83 dal ay shirkadooda ka bilowday howl sifeyn ah oo dib looga soo saaraayo suuqyada caana shirkadda horay ay u beec geysay oo la xaqiijiyey in ay sababeen cudurka Silmonela.

“Silmonela infection ” waa cudur sababo matag iyo dhiig saxarada soo raaca waxaana hadda la ogaaday in caanaha ay sameyn jirtay shirkadda “Lactalis uu qeyb weyn ka qaatay baahida cudurka.

Sida ay xaqiiqonews ka soo tarjuntay war lagu qoray wakaalada AFP ‘Bessnier’ ayaa wareysi uu siiyey wargeyska “Le journal” ee faransiiska ka soo baxa ku yiri “dib ayaanu egeynaa baaxada ay la egtahay howshan, waxaana rabnaa in aan suuqyada dib ugu soo saarno ilaa 12 milyan oo gasacadood.”

Emmanuel Bissnier ayaa intaasi ku daray “hadda waxey ila tahay gacansatada wey ogaadeen in ay waajib ku tahay in gasacadaha oo dhan ay ka saaraan goobahooda ganacsiga”

Bissnier oo in muddo ah ka aamusnaa howshan tan iyo markii fadeexadahan soo baxeen ayaa hadda balan qaaday in shirkadooda ay magdhaw siin doonto qoysaskii waxyeelada ka soo gaartay caanahan.

Caanahan ay sameyso shirkadda “Lactalis’ ayaa loo iibgeeyey ilaa 83 dal waxaana 9-kii bishan january la soo sheegay ilaa 35 caruur ah oo uu ku dhacay “Silmonela infection” ka dib markii ay isticmaaleen caanahada shirkadda sameyso.

Wararka U Dambeeyey

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...

Dhagaxii Ceel Cali Waxa Uu Dhulka Ku Soo dhacay 50,000 Sano Ka Hor!

Sida ay lagu ogaaday baritaano ay si wada jir ah u fuliyeen jaamacadda almaas ee magaalada Muqdisho iyo baarayaal...

Qof Walbo Waxa Uu Cadaalad U Raadinayaa Ikraan Tahlill Marka Laga Reebo Farmaajo

La taliyihii hore amniga ee Farmaajo, Xuseen Cali oo hadda madax ka ah machadka daraasaadka ee Hiraal ayaa sheegay...