Caasho “sheikh umul wuxuu yiri Farmaajo wuxuu leeyahay shan mucjsio sida nabiga oo kale”

La Wadaag Asxaabtaada

Gudoomiyaha Haweenka jaaliyadda UK ee beesha hawiye Marwao caasho oo wareysi dheer la yeeshay wariye maxamuud carab ayaa dhawaan furka tuuratay iyadoo farmaajo ku eedeysay in uusan muqdisho madaxweyne ka naqon karin ilaa dhulka beeshiisa ay dagto madax loo dhigo hawiye.
dhanka kale Caasho ayaa ku eedeysay culmimo caan ah oo ka soo jeeda beesha daarood in ay si indho la,aan ah u taageereen madaxweyne farmaajo taasi oo ay ku micneysay qabyaalad darteed.
Waxa ay tusaale u soo qaadatay labada wadaad ee lagu kala magacaabo sheikh maxamed idiriis iyo sheikh maxamed cabdi umul.
“habeen hore waxan dhegeystay sheikh umul oo yiri farmaajo waxa uu leeyahay shan mucjiso sida nabiga oo kale arintaasi waa qabyaalad iyo qabilil dartiis ah bal fiiriya halka ay qabiil ka gaareen” ayey tiri caasho oo bixineysay wareysi carro badan ka muuqatay
halkan hoose ka daawo wareysiga oo dhameystiran

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada