Waxaa qalalaaso xoogan ka socdaan meelo kamida dowlad degaanka Soomalida Itoobiya, diridhaba ayaa waxaa ka socda dagaalo u dhaxeeya soomaalida iyo Oromada waxaana dadku ku hubaysan yihiin baangado iyo budad, Cabdi Maxamed Cumarna Gacan Laguma haayo.
Xaqiiqonews.com-wararka Dibadda
Shacabka soomaalida ee ku dhaqan magaalada Diridhaba ayaa waxay la kulmeen weeraro kaga imaanaya dadka Oromada ah ee la dagan magaalada.
Xaalada magaalada ayaa aad u kacsan waxaana luuq yada magaalada is eryan hayaa dhalin yaro somaaliyeed iyo koox kamida Oromada oo hubaysan.
War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda Difaaca Dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in aan loo dulqaadan doonin wax ay ugu yeertay “qulqulatooyinka ka aloosan gobolka Soomaalida”, Itoobiya waxay ku hanjabtay in tallaab melleteri ay ku wajahi doonto rabshadaha magaalada Jigjiga.
Warka kasoo baxay wasaaradda difaaca ayaa lagusoo gaba gabeeyay in qorshaha cusub ee lagu wajahayo dhulka Somaligalbeed uu qeyb ka yahay isbedelka uu Abiy Axmed ka hirgelinayo Itoobiya.
Faarax Macalin oo la shaqeeya doqladda Kenya ayaa bartiisa tuwitarka ku soo qoray hadalo carro badan ka muuqato isagoo yiri “waaxaan rajeynayaa in cabdi iley maxkamad la soo saari doono oo waliba bartamaha jigjiga lagu dal dali doono.”
Wararka aan ka helayno Magaalada Jigjiga ee Xarunta MaamulkaDowlad degaanka Somaalida Itoobiya ayaa Sheegaya in guud ahaan deegaanka gaar ahaan Magaalada Jigjiga uu isbadalay Jawiga Magaalada kadib Markii gudiga Fulinta Maamulkaas ay ku dhawaaqeen in Madaxwaynihii deegaanku uu Xilkii ka dagay isla Markaana gudiga Fulinta Maamulka ay si KMG ah Madaxwaynaha deegaanka ugu Magacaabeen Axmed Cabdi Maxamed oo ahaa Xubin kamid ah gudiga Fulinta ahaan Wasiirkii Maaliyada Maamulka DDSI.
Isbadalka Gudiga Fulinta Maamulka Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya(DDSI)ay imanaysa kadib Markii ilaa Xalay ay Socdeen wadahalo u dhexeeya Maamulka iyo Wafdi ka socday DF Ethiopia,oo cadaadis Xoog badan saaray Madaxwaynihii hore ee deegaanka Cabdi Iley,oo isaga diiday in uu si toos ah isku casilo.
Sidan aan Warar hoose ku helay Cadaadiska DF Ethiopia kagaga imanayey Maamulka Deegaanka ayaa Sababay isbadalka deg deg ah, Dhankale DF Ethiopia Wali kama soo bixin wax war ah oo ku saabsan isbadalka Maamulka Dowlada degaanka.
War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Itoobiya ayay ku xaqiijisay in gacanta lagu dhigay Cabdi Maxamud Cumar oo Cabdi ileey ku magac dheer maalin kadib markii uu ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu hayay.
Ciidamo katirsan Melleteriga Itoobiya ayaa Cabdi Ileey ka qabtay guri uu uga dhuumanayay bartamaha magaalada Jigjiga ee xarunta gobolka Soomaaligalbeed.