madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku dhawaaqay hadal saxaafada si weyn looga hadal hayo, kaasoo kusoo beegmay xilli uu mucaarado xoogan kala kulmayo siyaasiyiinta kasoo horjeeda siyaasada uu Puntland ku maamulo.
Madaxweyne Gaas oo baaq udirayay siyaasiyiinta mucaaradka ayaa usoo jeediyay inay xasilooni muujiyaan islamarkaana ay sugaan marka ay timaado waqtiga doorashada.
Madaxweyne Gaas “Cidii rabta inay meesha timaado wakhti yar baa noo haraye ha iska sugto, anaganba dooneyn inaan sii joogno oo u baneynaynee,” ayuu yiri madaxweyne Gaas oo ka hadlayay daahfurka Shidaalka Airportka Bosaaso.
Dadka falanqeeya siyaasada Puntland ayaa hadalkaan ku sifeeyay inuu muujinayo in madaxweyne Gaas aanu rajo wanaangsan ka qabin inuu Puntland sii maamulo, inkastoo uu horey u cadeeyay in haddii la gaaro 2019 uusan mar dambe iskusoo sharixidoonin jagada madaxweyne Gaas.
Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Faraweyne ayaa dhawaan siyaasiyiinta mucaaradka ugu baaqay inaysan waqtigooda kasoo dagdagin, isagoo uga digay inay fowdo kala hor yimaadaan xukuumada haatan jirta.
Cabdiweli gaas”wan iskaga tagayaa puntland lkn ii naxariista inta a……………………..
-