CABSI DAGAAL: Farmaajo Oo Afgooye Ku Sugan IYo Alshabaab Badan Oo Kaabiga Ku Haaya

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in deegaan 15 KM u jira degmada Afgooye ay kasoo dhaqaaqeen dagaalyahanno Al-shabaab ah, kuwaasi oo weerar kusoo ah degmada Afgooye oo uu ku sugan yahay madaxweyne Farmaajo.
Waxay dooanayaan iney soo weeraraan madaxweynaha, waxaana sidoo kale arrinkaan ka war helay ciidamada ilaaliya farmaajo oo hadda dhufeysyo qodanayo.
Ammaanka madaxweynaha aad baa loo adkeeyay, waxaana shabaabka doonaya iney soo weeraraan Afgooye looga hortagayaa meel dhexe kahor inta aanayba imaan Afgooye ayuu yiri sarkaal ka tirsan dowladda oo warbaahinta la hadlay.
Saraakiil ciidan ayaa farmajo horay ugu sheegay in uu dhici karo weerar Alshabab ku soo qaadaan Afgooye, ammaankana uu yahay mid aad qatar ah maadaama Afgoooye ay tahay goob Alshabaabku Ku xoogan yihiin.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA