Cabsi Mareykanka Ka Soo Food Saartay Horumarka Hubka ee Ruushka Iyo Shiinaha

-

Taliyaha taliska istaraatiijiyadda Mareykanka janaraal John Hutton ayaa sheegay in Ruushka Iyo Shiinaha aysan aheyn saaxibada Mareykan, Waxa uu sharxay in Moscow iyo Beijing ay kobcinayaan awoodahooda hubka, oo gaaray ilaa heer ay helaan hub ka dheereeye socodka codka,  arinkaasi ooo buburin kara Mareykanka, halka Washington weli ku maqan tahay ka fikirka awoodda ay kaga jawaabayso hubkaas.

Xaqiiqonews.com-Wararka Dibadda.

Xilli Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump uu la dhibaatoonayo fikradda ah “America First”(Marka koowaad Mareykan) oo ku saabsan heerka dhaqaalaha iyo ganacsiga, dhanka kale hoggaamiyeyaasha millatariga Maraykanka ayaa u arkaa inay  ay tahay fursad millatari oo cabsi gelin ah oo dadka lagu cabsi geliyo Ruush iyo Shiine, wallow cabsi gelinta ay dhaaftay xadka digniin, ilaa ay gaartay heer labadan wadan loo aqoonsado cadow.

Waa kan taliyaha Taliska Istaraatiijiyadda ee Maraykanka, General John Hutton, wuxuu sheegayaa in Ruushka iyo Shiinuhu aysan ahayn saaxiibo Maraykan.

Intii lagu guda jiray Seminar ku saabsan difaaca gantaalaha oo ka socday saldhigga Huntsville,  ee gobolka Alabama, ayaa taliyahan ameerikanka ah  sheegay in Moscow iyo Beijing ay kobciyaan awoodaha hubka dheereeye, halka Maraykanka weli uu  awood u lahayn inuu wax ka qabto arimahaasi.

Ugu dambeyntii sarkaalkan Maraykanka ah  waxa uu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si degdeg ah  Mareykanka u soo saaraan hubka codka ka dheereeya(Hypersonic weopon).

Mashruucan(Sameynta hubkan) ayaa sidaa uu  John Hutton  ku doodaaayo, waxaa fikirkiisa la soo bandhigay 10 sano ka hor, balse sameyntiisa ayaa dib loo dhigay madaama aysan jirin qatar qasbeysay-sida uu hadalka u dhigay.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...