Cadaalad darada farmaajo oo sii laba kacleysay#aqriso beelaha ay ka soo jeedaan siyaasiin dhawaan la magacaabay

-

Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta magacaawday xilal isagu jira taliyaal Ciidan iyo sidoo kale xilka Gudoomiyaha gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu saleeyay habka awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isagoo markii ugu horeysay ku labisan dharka ciidanka, wuxuu ka qeyb galay kulanka golaha wasiirada ee lagu magacaabay xilalkan afarta taliye iyo gudoomiyaha gobolka ahna duqa Muqdisho .

Xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Taabid Cabdi oo kasoo jeeda Hawiye gaar ahaan Abgaal, Waceysle, waxaana booskaas ka baxay Yuusuf Xusen Jimcaale oo ay isku beel noqdeen wasiirka warfaafinta sidaasna awood qeybsiga beelaha xilkaas ku waayay.

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, oo loo magacaabay Taliyaha Nabadsugida ayaa soo jeeda Hawiye (Xawaadle).

Jen. Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa kasoo jeeda Daarood, Leelkase.

Jeneral C/llaahi Cali Caanood oo isna loo magacaabay Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka ayaa kasoo jeedo Daarood, Mareexaan.

Jeneral Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka wuxuu kasoo jeedaa Hawiye, Habar Gidir, Saruur.

Inkasta oo xilkaan loo magacaabay qaab awood qeybsi ah ayaa hadana waxaa la leeyahay waxaa meesha ka maqan beelaha kasoo jeeda koonfur galbeed oo xilalkii maanta la magacaabay aan wax laga siin. Sidoo kale beelaha Dir ayaan waxba helin iyo beesha Shanaad, waxaana xilalka gebigood yihiin Hawiye ama Daarood.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Guusha X S N M X M D

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya doorasha ka dhacday teendhada Afisyooni ee magaalada...

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...