Caddeymo..”Rag Gogol xun Iyo Waraabo God Xunba Gugooda Ma Gaaraan”

-

Hurdo Xumida waxaa sababi kara caafimaad darro, balse inta ugu badan hurda xumada waxa ay ka dhalataa gogol xuma iyo caadooyin xun.


Xaqiiqonews-Caafimaad

Soomaalida “dadkii Murtida iyo Gabayga” ma aysan hilmaamin in ay wax ka dhahaan caadadan xun ee “Hurdo-xumida” , waxaana caan baxday murtida Soomaaliyeed ee dhaheysa:

Rag Gogol Xun iyo Waraabe God Xunba Gugooda Ma Gaaraan

Murti Soomaaliyeed

Sabab walbaba ha ku timaadee hadii ay joogto noqoto hurada-xumida, waxa ay saameyn ku yeelan kartaa caafimaadkaada.

Waxyaabaha hurda xumida ka dhalan kara waxaa ka mid ah , Cayilka, wadna xanuunka, dhiig karkara iyo sokorta.

Qeybta hoose waxa aan idinku soo gudbineynaa qaabab aad ku ogaan karto sida ay kuu caawiso hurdada taasi oo cagsikeeda aad ku fahim karto sida hurda xumida ay kuu waxyeeleyn karto.

Hurdada Waxa Ay Xoojisaa Difaaca Jirka

Hadii aad isku aragto adiga oo hoy u noqday hergabka, qunfac iyo diif joogta ahna aysanba geed kaga soo wareegeynin, gogashaada ayaa eeda lahaan karta, maxaa yeelay hurda xumida waxa ay hoos u dhigtaa difaaca jirkaaga.

Hurda Xumida Waa ay Ku Habareyn kartaa

Hurda xumida, waxa ay kor u qaataa miisaankaada,daraasad ayaa sheegtay in dadka hurda wax ka yar 7 saacadood ay kaga halis badan yihiin in ay cayil noqdaan dadka kale ee hurda wax ka badan 7 saac.

Huradada waxa ay ka hortagtaa Sokorta

Baaritaano ayaa lagu ogaaday in dadka hurda wax kayr 5 saac habeenkii ay halis ugu jiraan in ay qaadaan cudurka sokorta.

Hurdada waxa Ay kor u qaataa Hamigaada Galmo.

Ragga iyo dumarka aan helin hurda ku filan ayaa daraasad lagu xaqiijiyey in uu hoos u dhac hamigooda la xirira galmada.

Sidoo kale ragga qaba cudurada la xariira hurda yarida ayaa la ogaaday in uu hoos u dhaca heerkooda soo saaritaanka hoormoonka labnimada xoojiya ee ” testosterone”

Wararka U Dambeeyey

Shiinahaha Oo Digniin Bixiyey “Mareykanka Waddo Qaldan Ayuu Ku Socdaa”

Yang Jiechi oo ah diblomaasi sare oo ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegay in dalkiisa...

Maxay Mareykanka Ka Qabtaan Soomaaliya Inta U Dhaxeysa Soo Galis Iyo Sii Bixid?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Joe Biden ayaa saxiisay go'aan ciidamo Mareykan ah dib loogu celinaayo Soomaaliya, mana ahan markii...

Hindiya..Shimbirihii Oo Kuleyl Dartiis Dhulka Ku Soo Daadanaya!

Galbeedka Hindiya, abaar darran iyo kuleyl hanfi leh oo halkaasi ka jiray muddadii 3-dii bil ee ugu dambeysay darteed...

Guusha X S N M X M D

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya doorasha ka dhacday teendhada Afisyooni ee magaalada...

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...