Caddeymo Sheegaya In Lagu Noolaan Karo Meeraha Guduudan(Mars)

Saynisyahano ku takhasusay cilmiga xiddgiska ayaa adkeeyey rajada ah in maalin un la awoodi doono in lagu dul noolaada Maaris(Mars).

Xaqiiqonews-Xiddigiska

Saynisyahanada Ayaa sheegay in bikteeriya laga helay Nayaazik dhulka ku soo dhacday laga ogaaday in xilli un ay nolol ka jiri jirtay meeraha Mars oo caan ku ah magaca “Meeraha guduudan”.

James William oo ah khabiir ku takhasusay “Noolayaashii hore” ayaa sheegay in caddeymaha cusub aysan ku filneen in nolol ay ka jiri doonto MARS.

Culimada Xiddgiska ayaa aad u daneeya baarisyada ku saabsan noolayaal ku nool meel dhulka ka baxsan, hase yeeshee ilaa hadda ma jirto wax si dhib ah u caddeyn karo arintaasi.

Doug Millard oo ka tirsan machadka Injinneeriyadda iyo Sayniska ee Matxafka London ayaa sheegay “Cirka Waa mid aad u baalaran, haddii noolayaal ay halkaasi ka jiraan maalin un ayaa la ogaan doonaa, noolayaal aad u yar yar xitaa waa la ogaan karaa madaama uu jiro “Telescope”(weyneeysa).Weyeysada ayaana suurtagilisay in la soo helo kwaakib ka baxsan nidaamka qorraxda.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA