Daraasad cusub ayaa shaacisay, buurooyina ka soo baxa wajiga ama nabarada jaalla ah ee wajiga IN ay tilmaamayaan qofkaasi in uu ku soo wajahanyahay dhaxal ahaan cudurka “Kalastaroolka”.
XAQIIQO NEWS- SAYNIS
Khubarada waxa ay leeyihiin calaamadahan aan xanuunka laheyn waxa aad ku arki kartaa meelo badan ooo jirka ka mid ah, sida xaglaha indha.
Sidoo kale Aqri: Bishaara Dadka Qaba Kalastaroolka
Waxaa xusid in Kalastaroolka uu ku jiro qof walba, waana dufan u eg xabag cad oo jaalle xigeen ah, taasi oo ku jirta unug walba oo jirkeena ka tirsan, Kalastaroolka waxa uu unugyada iyo jirka ka caawiyaa in ay si habsami leh u shaqeeyaan.
Laakiin, hadii uu kor u kac badan ku yimaado heerka Kalastaroolka qofka, waxaa uu ku keenaya khataro badan oo xagga caafimaadka iyo badqabka ah.