Calaamado Aadan Ka Warqabin Oo Kansarka Leeyahay

-

4-ta Feberaayo waxaa dunida looga dabaal dagaa maalinta caalamiga ah ee kansarka oo looga dan leeyahay in lagu hagaajiyo aqoonta ay dadku u leeyihiin kansarka iyo wacyi gelin ku saabsan xanuunkan.


XAQIIQO NEWS- CAAFIMAAD

Maalin barkeed qofka kuma baran karo calaamadaha iyo astaamaha lagu karto wax ka badan 200 nooc oo kansar ah, laakiin fahan guud oo qofka uu ka heysto calaamadaha guud waxa ay badbaadin kartaa naf nool.

1- Xanuun ama wajac la bixin waayey

Xanuunka waa digniin jirkeena noogu sheegaayo in ay jiraan wax qaldan, qofka mar walbo oo da’diida sii weynaata waxaaa iska badan in uu dareemo wajac.

Xanuunada garan waaga ah badanaa waxa ay calamaad digniin u yihiin cudurro jirka ku jira sida caabuqyada kala duwan ama kansarka.

Dhididka daran ee habeenkii waxa uu astaan u noqon karaa caabuqyada , badanaa dumarka dhalma gooyeyna aad ayuu ugu badan yahay, marka intaasi laga soo tago dhididka daran ee habeenkii waxa kale oo uu calamaad u noqon karaa Kansarka.

2- Hoos U Dhac Miisaanka Oo Saa’id ah

Qofka miisaankiisa oo wax yar is dhima waa iska caadi, balse hadii aad isku aragto miisaan dhicis xoog leh adiga oo aan ugu tala galin la socodsii dhaqtarkaaga.

3-Barar ama burooyin

Waa in aadan yareysan barar waqti dheer ah ama buro ka soo baxda qeyb jirkaaga ka mid ah.

Bararka waxa aad ku arki kartaa: Qoorta, caloosha, shaqfalaha, xabadka, naasaha ama xiniinyaha.

4- Daal badan

Waa caadi qofka oo daal dareema markii uu qabto shaqooyin culus ama marka ay jiraan dhibaatooyin xagga hurdada ah.

Hase ahaatee daalka sabab la’aanta ah waxa uu digniin u yahay qalad jirkaaga ka jira,u sheeg dhaqtarkaaga.

5-Dhibaato Xagga Cuntada ah

Xaalado caafimaad darro oo badan oo kansarka ka mid yahay ayaa keeni kara in qofka uu dhib ka dareemo hunguri mareenka xilliga cuntada.

hadii aad isku aragto cuntada liqitaankeeda oo kugu adag waqti dheer oo aan wax isbadal ah laheyn, la wadaag dhaqtarkaaga.

Sidoo kale qofka oo abateetka lumiya waxa calaamad u noqon kartaa kansarka, hadii aad isku aragto baahi aan ku qabaneyn wax isbadal ahna aan laheyn, la hadal dhaqtarka.

6- Isbadal aan caadi aheyn oo naasaha aad ku aragto

Waa in laga warhaayaa isbadal walbo oo ku dhaco xajmiga, qaabka ama taabashada naaska ama isbadalada maqaarka naaska tusaale naaska oo gaduud noqda ama xanuun.

Waxaa la aaminsan yahay in kansarka naasaha uu yahay mid ku badan dumarka, laakiin jinsi walbo oo aad tahay dhaqtarkaaga la hadal hadii wax isbadal ah ku aragto naaska.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...