Taliyaha ciidamada dhulka Soomaaliya Maxamed Tahliil Biixi oo ku sugan Baladxaawo ayaa sheegay in Df-ka ay cafis u fidisay dhalinyarada Kenya hubeysay isaga oo ku carabka ku adkeeyey in ilaalinta midnimada dalka Loo siman yahay.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Taliye Biixi ayaa ugu baaqay dhalinyaradaasi inay dib ugu soo noqdaan magaalada Beledxaawo, isaga oo u ballan qaaday in dowladdu ay ka war heyn doonto.
Biixi ayaa waalidiinta dhalinyaradaas ka dalbaday in ay ka qeyb qaataan badbaadinta mustaqbalka dhalinyaradaas.
“Annaga diyaar uma nihin in dagaal aan galno, ma dooneyso in dhalinyarada Soomaaliyeed uu cadawgu iska hor keeno, Waalidiin ayaad tihiin ee lasoo baxa dhalinyaradiina waana cafis cid qabsaneyso ma jirto, xitaa haddii ay doonayaan kamid noqoshada ciidanka Dowladda in aan ku biiriyo oo aan tababarno,” ayuu yiri taliyuhu.
Waxa uu intaasi ku daray “Madax bannaanida dhuleed kuma xirna Dowlad ama shaqsiyaad balse waa dan guud oo waajib ku ah, maadaama la badali karo Dowladda, lama badali karo Calanka, Dhulka & Nidaamka, sidaas awgeed waa muhiim in la ilaaliyo dalka oo la difaaco.”