Cali Dheere Oo Gabay Cajiib ah Ka Tiriyey Weerarkii Jameeca Jiliyaale#aqriso war cusub

-

Waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan weerarkii jameeca jiliyaale ay ka geysteen ciidankii Mareykanka iyo kuwa soomaalida.

Dowladda Somaliya oo ka hadashay weerarka ayaa sheegtay in howlgal furasho ay ka fuliyeen degeenka Jameeca Jilliyaale islmarkaana ay soo furteen ilaa 40-tan caruur ah oo Alshabaab xoog ku heysteen-sida ay hadalka u dhigeen-.

Balse Alshabaab ayaa dhankooda ku tilmaamay weerarka mid xasuuq ah oo lagu qafaashay caruur yar yar oo wax ka baranaayey mid ka mid ah macaahida ay xarakadu maamusho-sida ay afkooda ku sheegteen-.

Warfidiyeenada Alshabaab ayaa baahiyey Cod gaaban oo ah sheikh cali dheere oo ka hadlaya weerarkii jameece jiliyaale waxaana inta ugu badan hadalka cali dheere uu ku saabsanaa wax uu ugu yeeray tacsi uu u diray dadka dhibka soo gaartay ee Gaaljecel gaar ahaan Beesha Barsane waxaana hadalkiisa ka mid ah ereyo tix ah:

Dhalaankaagii Gaalkii Dheelmad Ku laayey

Dhaqankaagiina horraan dhiiga ugu daadshay

Awoowkii ku dhalayna hunguri ka dheereeyey

Ee dhulka hoostiisa dhigay intey nafta dhaafeyso

Hadaan leyska dhicin oon dhiilka loo qaadin

Dhiig iyo hadaan loo hurin maal la soo dhoobay

Dhirif iyo hadeysdan isku dirin hubka dhurashadiisa

Dhalaankaan dhalniyo soo dhici dhiiga dhaqankeena

Ceeb dhumac weyn iyo waxey noqon taariikh aan dhamaaneynin.

Cali dheere ma aheyn nin ku caan ah gabayada khudabadihii uu jeediyey tan iyo markii loo doortay afhayeenka Alshabaab, waxaana tani ay noqoneysaa markii ugu horeysay ee cali dheere khudbad uu jeedinaayo uu ku soo lifaaqo ereyo tix ah, waxaani kalimadan cali dheere uu jeediyey wax badan shaahbahdaa kalimadihii Abu zubeyrkii dhintay oo caan ku ahaa kalimadaha iyo gabayada isla socda.
Halkan ka dhageyso codka oo MP3 ah

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...