Caqliyadda Sarreysa Ee Soomaalida !

La Wadaag Asxaabtaada

Waxaan nahay umad soo baxeysa,  waxaana dooneynaa in aan dunida ku midibeyno dhoollacadeyn, waxaan u nahay hiilo wadankeena, isaga ayaana ku abtirsaneynaa.

Xaqiiqonews.com-

Annaga Soomaali ahaan kama dambeyno umadaha kale,  hase ahaate waxa naga maqan ayaa ah “Waxqabadka”, waxaana ku soconaa wadadii aan ku sixi laheyn wixii dhacay oo khaladaad ah, waxaana aan cagta ku heynaa wadadii “Horumarka”.

Waa muhiim in aad ogaato in ereyadan aan qorayaa aysan aheyn kuwo ku dhisan diraasad cilmi, kaliya waa ereyo rajo soo celin ah, sidaa darteed dadka barta “Cilmiga bulshada” waa ka mamnuuc in ay aqriyaan maqaalkan.

2005-tii Duufaantii Hurricane Katrina,  ee ku dhufatay  gobolka Louisiana ee  dalka Mareykanka, in muddo ah oo uu maqnaa amaanka iyo kal dambeynta, waxaa ka dhacay boob iyo dhac ka badan wixii ka dhacay dalkeena muddo 30 sano guduhood ah !

Dhibaatada taagan ayaa waxa ay tahay in aan iska rumeysano sawirka qaldan ee Warbaahinta galbeedka ay ku daabaceen quluubteena, tusaale fiican waxaa nooga filan sheekooyinka laga qoray Dagaalkii labaad ee aduunka oo ay qoreen kirishtaankii galbeedka,  maxaad ka filan laheyd hadii taariikhdaasi ay qori lahaayeen Jarmalka?

Waxa ay isticmaalayaan Daraasadahooda La maranhabaabiyey, si ay shuuqiyaan maskaxda sarreysa ee Soomaalida, waxa ay wadankani ka dhigayaan “Fowdo” maxaa yeelay habkaasi(cilmi baarista) waa qaabka kaliya ee ay marmarsiiya uga heli karaan si ay nagu qanciyaan waxyaabo aan jirin.

Immisa reer Yurub ayaa ku dhimatay gacanta yurub dagaalkii labaad?

In ka badan 5o milyan oo  qof ayaa naftooda ku waayey dagaalkii yurub dhexdooda maray ? dhanka kalase ninka Ameerikanka ahani wuxuuba ahaa duurjoog oo Qoriga uu ka soo horeeya hadiiba la khilaafo !

Ma ahan in difaacayo qaladaadka Somalida,  waxaase rabaa in aan caddeeya in soomalida aysan aheyn dad iska fadhiya(sida noogulu muujiyey), waxaa horay u socda usha saacadda, Somalidana horay ayey u socotaa.

Fadlan adiga oo isticmaalaya maskax caafimaad qabto ka fagow dhamaan wararkooda ku dhisan Islaam/Soomaali/Madow Naceybka, Iska ilaali wararka, una duceey Nabiggaada Muxamed SCW.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada