Carabtu Maxey Jannada Ku Dhax Sameyn Doonaan, Gaaladuse Maxey Naarta Ku Dhax Sameyn?

-

Warbixintaa soo socoto waxaa qoray qoraa Xasan Xamaada, Doorka Xaqiiqonews Waa Tarjumada oo kaliya, waxyaabaha ku jira warbixinta kama tarjumayaan aragtida Xaqiiqonews

Xaqiiqonews-

Maalinta Qiyaamaha Carabtu waxa ay aadi doonaan Jannada halka Gaaladuna ay naarta gali doonaan.

Intaasi ka dib gaalada iyaga oo isticmaalaya maskaxdooda waxa ay kuleylka naarta u badali doonaan tamar ay u adeegsadaan in ay ku sii horumariyaan xadaaradooda cusub, iyagoo ka faa,ideysanayaa aragtiyadii Newton, Galileo, Einstein, Edison iyo saynisyahanadii kale.

Waxa ay ku bilaabi doonaan in ay sameeyaan dabdhaliyaal ka sameysan walxo kuleylka iska caabin kara”Thermal insulation Materials” dabadeedna waxa ay horumarin doonaan dhalo weyn oo iska caabin karta kuleylka iyagoo dhalada gudaheeda ku xiri doono qaboojiyaal “Air conditions” sidaa darteed waxa ay awoodi doonaan in naarta dhaxdeeda ay ka sameeyaan magaalooyin waaweyn oo ka sameysan dhalooyinka iska caabiya kulka.

Halkaasi ayeyna ka sii wadi doonaan ilbaxnimadooda iyaga oo magalooyin waaweyn iyo warshado sameysan doona, xadaaradda cusub ayaa ka horumarsanaan doonto tii aduunyada madaama ay halkani(aakhiro) ka heli karaan tamarta awoodda badan ee aan xadka laheyn ee ka soo baxeysa naarta Jahannamo.

Jahanamada Kulul ayey u badali doonaan Janna Cagaaran, arinkaasina waxa ay waafaqsantahay xadiithkii rasuulka SCW ee ahaa ” خذوا جنتكم من النار” oo micnaheedu tahay “Naarta ka sameysta Jannadiina”.

Dhanka kale carabta doqonimadooda darteed Jannada waa ay kharibi doonaan, iyagoo isku layn doona afkaartii Maxamed Ibnu Cadbiwahab,Thawaahiri, Baqdaadi iyo Maxamed Cariifi.

Kheyraadka jannada ayaa la boobi doonaa, waxaana loo iibkeyn guryaha gaalada “Naarta”

Ka dib marka iska burburiyaan xaraadradoodu oo howshu ay ku adkaato carabta, waxa ay raadin doonaan culimadooda dhabta ee ay dayaceen, sida Ibnu Khalduun, Ibnu Siinaa iyo kuwa kale, laakin culimadaasi jannada laga heli maayao sababtoo ah horay ayaa loo gaaleeey, haddana waxa ay ku jiraan naarta jahannamo iyaga iyo gaalada.

Marka ay howsha halkaasi joogto carabta waxa ay doorbidi doonaan xadaaradda Jahanama ka bilaabatay halkaasi ayey nolol u raadi doonaan, iyadoo dhankooda gaalada ay adkeyn doonaa lacagaha iyo gelitaanka naarta, waxeyna maamuli doonaan carabta iyo jannadooda, isla sidii ay sameyn jireen markii ay dunida joogeen, taasi waa tilmaamtii ilaah uu qur’aankiisa ku sheegay ee aheyd


“ومن كان في هذه اعمى فهو في الاخرة اعمى واضل سبيلا” “

Ilaah SW waxa uu leeyahay “Qofkii aduunyada indhoole ku ah, aakhiradana waa indhoole waxa uuna ku jiraa baadida ugu daran.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...