Casharada Laga Baran Karo Daalibaan 2001 Ilaa 2021

La Wadaag Asxaabtaada

kooxda Daalibaan ayaa la wareegtay caasimadda, madaxtooyada iyo goobo kale oo muhiimah, waxa ayna sheegeen in ay Afghanistaan ka dhisi doonaan dowlad islaami ah oo loo dhan yahay.


XAQIIQO NEWS- WARARKA

Casharka Koowaad

Xoghayihii hore ee Mareykanka ahaana la taliyaha ammaanka qaranka Henry Alfred Kissinger kuma qaldaneyn oraahdiisii caanka aheyd ee uu lahaa “In aad noqoto Cadow Mareykan waxa ay naftaada gelin kartaa halis, balse in aad noqoto saaxib Mareykan waa dhimasho”.

Mareykanka waxa uu iskaga baxay Afghanistaan, laakiin saaxibadiisii, isbaheysigii ay wada socdeen qof waliba waxa ay noqotay “nin walboow naftaa”, taasi oo markale banaanka soo dhigtay saaxibtnimada Mareykanka,

Casharka Koowaad ee aan ka baran karno dagaalka Daalibaan waxa uu yahay “ha aaminin Mareykan”.

Sidoo Kale Aqri: Daalibaan Ma Heshiisiin Kartaa Df-ka iyo Al-shabaab?

Casharka Labaad

Mareykanka iyo xulafadiisa galbeedka oo lagu tilmaamo in yihiin “quwado waaweyn”, waxa ay ku jabeen koox yar oo sida Daalibaan ah horteeda.

Inkastoo Mareykanka uu iska diiday in uu ku jabay Afghanistaan isaga oo ku marmarsiyooday waxa aan galnay heshiis nabadeed, hase ahaatee qaabkii askarta Mareykanka looga daad gureeyey safaaradda Afghanistaan waxa ay dadweynaha caalamka xasuusiyey jabkii Mareykanka ee Fiitnaam gaar ahaan qaabkii Kaabuul ay uga baxday gacanta Mareykanka waxa u ekeyd isla qaabkiii Saigon ay kaga baxday gacantiisa.

Mareykanka waxa uu Afghanistaan ku jabayaa isaga oo 20 sano gudahood ku lumiyey lacag dhan 2 Tiriliyan oo doolar , lacagtaasi badankeed waxa ay ku baxday shirkadaha sameeya qalabka dagaalka Mareynka sida shirkadda darooniska sameysa ee Loogheedh Maartiin (Lockheed Martin) iyo shirkadda sameysa gantaalada iyo bambooyinka ee Raythiyoon (RayTheon).

Mareykanka Waxa uu Afghanistaan ku jabayaa isaga oo 20 sanadood waqti iyo qarashba ku bixiyey sidii uu u dhisi lahaa ciidan reer Afghaan ah oo qabta shaqada uu isaga ka haayey halkaas, waxa uuna Mareykanka tababaray uuna qalabeeyey seddox boqol iyo konton kun oo askari.

Intaasi oo dhan ka dib, Daalibaan ayaa wax waliba la wareegtay, waxaana halkaasi ka baran karnaa in ay qalabka, hubka iyo qarashkuba ay ku caawin karaan laakiin waxa muhiim ah ahi waa caqiiqada iyo fikirka.

Casharka Seddexaad

Gudaha Mareykanka, su’aasha loogu weydiiska badan yahay waxa ay tahay: yaa ka dambeeyey jabkan? kuwa ayaa eedeynaya madaxweynihii dagaalka bilaabay Buush kuwa kalane waxa ay eedeynayaa madaxweynaha dagaalka soo gabagabeeyey joe Biden.

Ameerikaanka ayey u taalaa cidii ay kula xisaabtami lahayeen waxa dhacay, balse dunida maanta waxa ay aragtaa qaabka Mareykanka uu ugu takhasustay sidii meelo cidlo loogu lumiyo casnhuuraha dadweynaha.

Xilli Mareykanka Tiriliyan doolar uu ka khasaarinaayo dagaalka Afhanistaan,iyo meelo badan oo dibadda ka ah oo ay Soomaaliya ku jirto, gudaha Mareykanka waxaa ka taagan biyo la’aan iyada oo lasoo warinaayo in uu qalalay wabigii Kaloraado ee ay ku tiirsanaayeen 40 milyan oo qof, waxaana qalalay herada Miid

Casharka seddexaad ee laga baran karo dagaalka Afghanistaan waxa uu u gaar yahay canshuur bixiyaasha Mareykanka oo laga doonaayo in ay madaxdooda kula xisaabtamaan qaabka loo isticmaalaayo casnhuurtooda.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada