CC kaamiro Ayuu Ku Xiray Kushiinka..Ka Dib Xaaskiisa Ayuu Ku Arkay Lama Filaan!

La Wadaag Asxaabtaada

Nin ku jira da’aadda lixdameeyada kaasi oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa bilaabay in uu xaaskiisa uga xiro kushiinka kaamirad qarsoon ka dib markii uu araky in dhadhanka cuntadii uu cuni jiray uu isbadalay tan iyo bishii Sep ee la soo dhaafay.


XAQIIQO NEWS- LAYAABKA DUNIDA

Ninkani ayaa ugu dambeyntii ka war helay in dhadhanka cuntada ay isku badashay maadada Yuuriya (Uric acid) taasi oo xaaskiisa ay cuntada ugu dari jirtay si ay gabi ahaan ninkani uga takhalusto oo ay u disho.

Haweeneyda xaaska ah oo da’deeda lagu sheegay 70 jir ayaa booliska hortiisa ka qiratay in ay dhowr mar ninka qaxwada iyo cuntada ugu dartay sunta baranbarada iyada sidaas sameyn jirtay mar walbo oo ay ka xanaaqdo.

Sida la sheegay Robert Baron ayaa ka badbaaday dhimashada halka xabsiga laga sii daayey Sonsha Tinvera ka dib markii ay balan qaaday in aysan dhib dambe u geysan doonin ninkeeda.

Xaaska ayaa sida ay booliska ka hor qiratay u sheegtay in ay dooneysay oo kaliya in ay ninkeeda cashar u dhigto.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada