CC Shakur Oo DF-ka Uga Digay In Ay Suuliso Taariikhda Sh. Barsane

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa isticmaalay “lahjad adag” isaga oo sheegay in N&N ay uga digayaan in ay baab’iyaan taariikh shiikh Xasan Barsane.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Hogaamiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in Sh. Xasan Barsane uu ahaa halgamaa taariikhda Soomaaliya baal dahab ah ka galay.

” Wuxuu ahaa caalim diineed, halgamaa hor istaagay is ballaarintii duulaankii Itoobiya iyo xukunkii gumaystihii Talyaaniga ee Koonfurta Soomaaliya” ayuu yiri CC Shakuur oo ayaan darro ku tilmaamay in hogaanka DF-ka ay tirtiraan taariikhda iskoolkii loogu magac daray Xasan Barsane.

Sidoo Kale Aqri..Jeesow Iyo Farmaajo Yaa Ku fiican Maadada Taariikhda?

CC Shakuur ayaa digniin u jeediyey DFka isaga oo yiri ” Waxaan uga digaynaa hogaanka dawlada isku dayga ay ku raad tirayaan taariikhda halgamaa Sheekh Xasan Barsane”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA