Goor dambe galabnimadii Jimcada ururka Al-shabaab ayaa qarax la beegsaday xaflad soo dhaweyn ah oo ka dhaceysay magaalada Gaalkacyo, goobtaasi oo la filaayey in uu soo gaaro ra’iisal wasaare Rooble.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Qarax loo adeegsaday baabuur uu hogaaminaayey nin is soo midaamiyey ayaa bartilmaameedsay goob ay ku sugnaayeen saraakiil iyo ciidan ka tirsan Df-ka kuwaasi oo qeyb ka ahaa soo dhaweyn lagu waday in loo sameeyo ra’iisal wasaaraha oo Gaalkacyo ka dhaceysay.
Qaraxa ayaa inta la xaqiijiyey, waxaa dadka ku geeriyooday ka mid ah Jeneraal Qooje Dagaari oo ahaa taliyaha qeybta 21aad ee ciidanka dowladda Federaalka wuxuuna madax u ahaa dhammaan ciidamada ku sugan gobolka dhexe.
Sidoo Kale Aqri: Waxyaabo Dhab Ah Oo aysan Warbaahinta Ka Sheegin Weerarkii Gelato Devino
Sidoo kale waxaa qaraxa ku dhintay taliyihii ciidanka Danab ee qeybta gobollada dhexe kaasi oo lagu magacaabi jiray Gaashaanlle Mukhtaar.
CC Warsame oo ka falceliyey qaraxii Gaalkacyo ayaa tacsi u diray ehelka iyo asxaabta aya ka baxeen saraakiisha dhimataya, isaga oo dhanka kale ku eedeeyey saraakiisha in ay ku gaabiyeen shaqadooda aheyd in ay Alshabaab kula dagaalamaan furamaha badalkii iyaga lagu gumaadi lahaa goob soo dhaweyn-sida uu hadalka u dhigay