CC Warsame Oo Ku Ordaya Xawaaraha Gantaalka !

La Wadaag Asxaabtaada

Hadal heyn badan ayaa ka dhalatay sawirka CC warsame oo ordaya xilli ciidamo daacad u ah madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ay rasaas noon nool huwinayeen dibadbaxayaal taageersan mucaaradka.


XAQIIQO NEWS- BARAHA BULSHADA

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa is dhaafsanaya sawirka siyaasiyiin mucaaradka ah kuwaasi oo qeyb ka ah dibadbaxayaal kala cararay markii rasaaseyn adag kala kulmeen ciidamo taabacsan Farmaajo.

Sidoo Kale Aqri:Xog Cusub..Muqdisho Intii Aan Naqaanay Waa Dhaaftay

Cc warsame oo qeyb ka ah banaabaxayaal ay kala eryeen booliska xamar

Ceeb Mise Caadi

Inkastoo sawirkan taageerayaasha N&N, ay u adeegsanayaan ku jees jeesidda CC Warsame, hase ahaatee sawirka waxa uu dirayaa fariin rasmi ah oo ku saabsan halka uu taagan yahay xaalka Soomaaliya.

Sawirka ayaa ka tarjumaya sida “qoriga” uu wili u yahay luuqadda lagu wada hadlo, sidoo kale sawirka ayaa muuqaal ka bixinaya siyaasadda Farmaajo ee ku dhisan “xoogga iyo qorigga”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada