Afhayeenka Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM,Jeneraal Richard Nyabuti Omwega, oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay xaaladda Soomaaliya,qorshaha bixitaanka AMISOM,cidda AMISOM ka caawisa Soomaaliya iyo shaqada ay qabtaan hadda.
Afhayeenka AMISOM Richard Nyabuti Omwega ayaa sheegay in qorsha AMISOM ay dalka uga baxayaan 2021 ay tahay mid socota islamarkaana howlgalka uu ku howlanyahay in Ciidankiisa uu u dhimo si tartiib tartiib ah.
Waxaa uu sheegay in wareejinta amniga Soomaaliya ay ku xirantahay xaaladda amniga ee dhulka Soomaaliya,AMISOM-na ay baxeyso kaliya marka amaanka Soomaaliya la soo celiyo ciidanka Soomaalidana ay ku filnaadaan amaanka dalkooda.
Dhinaca kale,Ku xigeenka AFhayeenka AMISOM, Ceaser Olweny Okello,ayaa isaguna goobta ka sheegay in Ciidamada Uganda ay yihiin kuwa ugu badan ee maamula dhulka ugu weyn inta ay maamusho AMISOM.
Waxaa uu sheegay in Xarumaha Safaaradaha,Xarumaha dowladda,Hoteellada qaar iyo Xraumaha howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay maamulaan Ugandha.