Cebu Hogaamiyaha “Khawaarijta Zimbabwe” oo Xukun La wareegay(aqriso Faafaahin)

La Wadaag Asxaabtaada

Dalka Zimbabwe ayaa waxaa loogu dhawaaqay in xukunkii laga wareejiyey madaxweynaha Zimbabwe oo ahaa 93-jir xilka in muddo haayey.

Hogaamiya u hadlay ciidanka ayaa yiri” dadka Zimbabwe wali ma aysan arkin qof u naxriista”

Dhanka kale ciidanka ayaa iska diiday in arintani lagu tilmaamo afgambi iyagoo sheegay in dhaqdhaqaaqan uu yahay mid lagu beegsanaayo waxa ay ku tilmaameen danbiilayaal ka hoos Shaqeeya madaxweyne Mogaabi.

General Cebu Siwei Moyo oo ka hadlay xarunta talefishinka ayaa sheegay in hadafka uu ahaa oo kaliya in la soo dhameeyo danbiilayaal madaxweynaha ku hareereysnaa waxaana uu yiri” isla marka uu mision-ka soo dhamaado waxaan rajeyneynaa in dalka uu ku soo laabto xaalkiisa caadiga ah”

Hadii Mogaabi uu xilka ka dago waxa uu doonaayaa in uu xaskiisa Grace oo 52 jir ah uu ka dhigo madaxweynaha mustaqbalka ee dalka wana aarintaasi arinka aay aad ugu soo horjeedaan saraakiisha ciidanka.

Xaalka Zimbabwe ayaa ah mid qasan waxaana xukunka hadda gacanta ku haayaa saraakiisha mucaaraadka waxaa uuna sarkaal afkooda ku hadlay uu u sheegay saxaafada sidan” Xaalka hadda waa mid degan, madaxweynaha iyo qoyskiisana waa ay bad qabaan”

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada