Ceelbuur Nin Qabrigiisa La Diyaariyey Oo Noolaaday!

-

Fagaare kuyaal magaalada Ceelbuur ee gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya waxaa maanta isugusoo baxay boqolaal qof si ay udaawadaan xukun dil  oo lagu fulin lahaa ruux lagu eedeeyey in uu yahay gacan ku dhiigle. 

Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Goobta loo doonaayey in dilka lagu fuliyo  ayaa waxaa soo buuxdhaafiyey dad isku soo aruuray si ay u daawadaan qaabka dilka u dhacaya.

Saacadihii ugu dambeeyey xilli  eedeysanaha uu sugaayo in rasaasta dili laheyd ay ka soo baxdo qoriga, ayaa mid  ka mid ah  dadkii lahaa dhiigga qofkii uu horay udilay eedeysanaha uu codsaday diyo(lacag magdhaw ah oo laga bixiyo qofka la dilay), lana joojiyo dilka,   sidaasna waxaa lagu joojiyay xukunkii dilka ahaa.

Dadkii goobta ku sugnaa ayaa arrintaan aad ula yaabay waxaana fagaaraha laga kaxeeyay ninkii eedeysanaha ahaa ee sida dirqiga ah uga badbaaday xukunka dilka ah.

Arrintan ayaa si aad ah looga hadal hayaa gobolka Galguduud waxaana lafilayaa in qoyska leh dhiigga ruuxa horay loo dilay ay qaataan diyo sidaasna uu ku badbaaday eedeysanaha  maanta la dili  lahaa.

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...