Ciidamada Badda Itoobiya !!

La Wadaag Asxaabtaada

Itoobiya waqtigan waa dalka ugu dadka badan aduunka oo dhan islamarkaana ah dal “dhulxiran”, waddanka bad la,aanta ah ayaa geed walbo uu fuulaya sidii uu saameyn ugu yeelan lahaa badaha ku hareereysan ee Badweynta Hindiya iyo Badda Cas !!

Xaqiiqonews.com-Wararka 

“Waa in aynu muujinaa saameyn aan ku yeelano badaha nagu hareereysan, waxaa jira wadamo ka yimaada meel fog oo saameyn ku leh badahan”  ayuu yiri Jeneraal Berhanu Julu.

Julu oo isticmaalaya ereyo kulul ayaa si aan gambasho lehyn u yiri “Ma jirto sabab aay Itoobiya u sii ahaato  dal  dhulxiran”

Hadaladan ayaa  ku dhufanaya Soomaaliya dhulgariir qiyaastiiso yahay “Nabad iyo Nolol”, dhulgariirgani ayaana cabsi xoog leh ku beeraya 15 Milyan Soomaali ah oo ku dhax nool waddanka jasiirad u egaha Ee Soomaaliya.

Itoobiya ayaa qorsheyneysa in ay dhisto ciidamo Badda ah oo fadhi ka sameysta xeebaha Badweynta Hindiya iyo Badda Cas ! sidaasi waxaa sheegay Berhanu Julu oo ah taliyaha Ciidmada Itoobiya.

Jeneral Berhanu ayaa ku faanay “Itoobiya waa waddan weyn oo leh shacab ka badan 100 Milyan”.

Si kastaba ha ahaatee Itoobiya ayaa u maaqata in ay ku deg degeyso dhisidda ciidamo bad ah xilli Soomaaliya aysan laheyn Ciidamo dhul ah oo awood leh !!

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada