Wararka inaga soo gaaraya Tuulada Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay halkaas ku wajahan yihiin Ciidamada Itoobiya oo la sheegay in haatan ay marayaan meel wax ka yara 20 KM u jirta.
Halgan oo ah Tuulo u dhexeyso Degmooyinka Buulo Burde iyo Baladweyne oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku sugnaa Al-shabaab in kastoo la soo sheegayo in Al-shabaab ay faarujiyeen Tuulada oo ay isaga bexeen.
Dadka tuuladaas ku nool ayaa lasoo warinayaa inay bilaabeen barakac baahsan kadib cabsi xoogan oo soo foodsaartay.