Wararka ka imaanaya deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay maanta si nabdoon kula wareegeen deegaankaas, kaddib markii ay maalin ka hor isaga baxeen Al-Shabaab.
Deegaanka Halgan oo u dhaxeysay Beledweyn iyo Buulo Burde ayaa ku taala meel istiraatiiji ah, waxaa labadii sano ee u dambeysay illaa shan jeer is bedeshay gacan ku heynta deegaankaas.
Ciidamada Itoobiya oo ay wehliyaan Ciidamo ka tirsan dowladda oo horaantii todobaadkan ka soo dhaqaaqay Beledweyn, ayaa ugu dambeyn maanta oo Arbaco ah u suura gashay inay la wareegaan deegaanka.
Inta aysan ciidamada soo gaarin deegaanka, waxaa jiray dagaalo goos goos ah oo ay kala kulmayeen Al-Shabaab inta u dhaxeysa Beledweyn iyo Halgan.
Ciidamada Itoobiya ayaa dhamaadkii sanadkii hore isaga baxay deegaanka Halgan, waxaana kadib la wareegay Al-Shabaab.
Xaalada deegaanka ayaa ah mid degan, waxaa ay durbaba ciidamada Itoobiya saldhigyo ka sameysteen daafaha deegaanka.
La wareegitaanka Ciidamada Itoobiya ee deegaanka Halgan ayaa ku soo aadaya, xilli uu maanta magaalada Addis Ababa uu gaaray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.