Ciidamada Milateriga Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Dilay sargaal sare oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Sargaalkan la dilay waxaa uu ahaa Hogaamiye dagaal geliye ah oo watay ciidamadii weeraray Degmada Qoryooley.
Milateriga Dowlada ayaana weerarka uu hoggaaminayey ku dilay sargaalkaas inkastoo weli baaritaano ay socdaan.
Taliyaha Ciidamada Dowlada ee Qoryooley oo ka hadlay arintaan ayaa sheegay in ay ku raad joogaan shabaab dhaawac ah.
Al-Shabaab ayaa saacado ka hor weerar dhowr meel kaga soo qaaday degmada Qoryooley waxaana labada dhinac ay sheeganayaan guul.