Ciidamo cusub oo Al-Shabaab la dagaalama Somalia loo soo dirayo

-

Mid ka mid ah Dowladaha taageera Soomaaliya ayaa sheegtay inay ciidamo dheeraad ah usoo direyso Soomaaliya xlli ciidmada ugu badan ee AMISOM ay ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo dagaal kula jira Al-shabaab .

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni ayaa cadeeyay inuu ciidamo dheeraad ah usoo dirayo Soomaaliya si uu kordhiyo ciidamada Soomaaliya ka jooga si dagaalka Al-shabab loo sii xoojiyo.

Wuxuu sheegay in dawladiisu ay kordhinayso ciidamada Soomaaliya ka jooga waxaana uu ujeedka ku sheegay in la xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab iyo sidii amniga loo adkeyn lahaa.

Madaxweyne Musaveni wuxuu tilmaamay in xilligaan ay Soomaaliya ay wajahayso xaalad adag oo dhanka amaanka ah sidaa darteed ay kordhinayaan ciidamada Soomaaliya ka jooga kuwaasoo ka shaqayn doona gobolada dalka.

Ciidamadaan dheeraadka ah waxaa la sheegyaa inay ka qeyb qaadan doonaan sugida amaanka magaalada Muqdisho iyo ka hor tagista weeraro ay Al-Shabab ka sameeyaan magaalooyinka qaar ee dalka.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...