Ciidamo si gaar ah u tababaran oo ku soo wajahan Muqdisho

La Wadaag Asxaabtaada

Askar qalabeysan iyo Tababara yaal Ciidan ayaa la xaqiijiyay in ay ku soo wajahanyihiin Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Ciidamada oo ah Miletari si gaar ah u tababaran iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay Muqdisho imaandoonaa Bisha August ee Sanadkan.

Dowlada Turkiga ayaana Sheegtay in ay soo direyso Ciidamadan ka hor inta aan la furin xeradda Tabarka Ciidamada ee Dowlada Turkiga ka hirgelisay Duleedka Muqdisho.

Dhawaan Dowladda Turkigu waxay Muqdisho ka dhistay saldhigii ugu weyn ee milateri oo meel ka baxsan wadankeeda ka dhisto waxaana la filayaa in lagu tababaro ilaa 3,000 askari oo Soomaali ah.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada