Ciidamo ka wada tirsan dowlada kuwaasi oo maleeshiyo beeleed ahaan abaabulan ayaa isku dagaalay meel u dhaw isgoyska Ekis Koontarool.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Maleeshiyaadka dagaalamay oo dhammaantood hoos yimaada ciidanka Df-ka ayaa sida la sheegay isku qabtay lacag baad ah oo laga qaadi jiray boosteejada warlaliska oo ah halka ay ka baxaan baabuurta aada Weedow, Ceelasha ilaa Afgooye.
Inta la xaqiijiyey afar qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay is rasaaseynta, waxaana jira tiro kale oo dhaawac ah.
Sidoo Kale Aqri: Soomaaliya Maxaa Xal Ah: Dagaal Mise Doorasho?
Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamo ka wada tirsan DF-ka ay is dagaalaan, ciidanka dowladda ayaa badanaa siyaabo kala duwan darteed isku rasaaseeya.
Ciidanka Df-ka oo tiradooda lagu sheegay in ka badan 50,000 oo askari ayaa intooda ugu badan yihiin kuwa u abaabulan qeyb beeleed, taasi oo adkeysay in la xaliyo khilaaf beeleedyada ciidanka dhaxdooda ah.