Subaxnimadii Isniinta ciidanka Soomaaliya ee ku sugan inta u dhaxeysa Balad Xaawo iyo Mandheera ayaa qabtay ciidamo Kenyan ah iyaga oo dad dhacaaya.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Howlgalkan oo ciidanka Soomaaliya ay ku baacsanaayeen tuugada ayaa lagu soo qabtay qaar ka mid ah askartii kenyaanka ee dhaca waday halka kuwa kalana ay baxsadeen.
Afhayeenka Jubbaland garabka Gedo, Cali Jubba oo sawirada askarta ku baahiyey boggiisa Facebook ayaa sheekey in askarta la qabtay ee Kenyaanka ay xadgudub u geysan jireen dadka iskaga gudba labada magaalo.
Sidoo Kale Aqri: Sawir..Waa Kan Gantaalkii Kenya Gedo Ku Duqeysay
Askari Kenyan ah oo dhac lagu soo qaabtay Askari Kenyan oo dhac lagu soo qabtay
Dadka deegaanka ee iskaga gudba labada magaalo ee BaladXaawo iyo Mandheera ayaa dhowr jeer cabasho ka muujiyey tacadiyo ay kala kulmaan askar Kenyaan ah oo halkaasi ku sugan.
Sanadkii tagay 2020, ciidanka Soomaaliya ee ku sugan Baladxaawo ayaa toogasho ku dilay askari Kenyaan ah halka uu dhaawcmay mid kale xilli askartaasi ay qashqashaadayeen gabar gediga Mandheera u gudbeysay.