Ciidanka Macaawisley Ee Sida Gaarka Ah u Tababaran!

La Wadaag Asxaabtaada

Baraha bulshaa ayaa lagu baahiyey muuqaalka ciidamo ka tirsan macaawisleya Shabeelaha hoose, kuwaasi oo sheeganaya in ay dagaal kula wareegeen degmada Leego ee Gobolka Shabeelaha hoose.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Ciidankan muuqaalkooda la baahiyey ayaa u abaabulan “qaab qabiil” waxa ayna sheegeen in garab teegaaro ah ka filanayaan Df-ka Soomaaliya.

Ciidankani goobta la wareegay ayaa eedeyn u jeediyey maamulka Koonfur galbeed, iyagoo ku goodiyey in ay dhisan doonaan maamul si toos u hoos tagaya Df-ka.

Degmada Leego waxa ay dhacdaa wadada muhiimka ah ee xariirisa Muqdisho iyo Baydhaba, waxaana mudooyinkii ugu dambeeyey gacanta ku haayey dagaalyahanada Alshabaab.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada